41
War bahalbadeedka Lewiiyaataan la yidhaahdo miyaad jillaab kalluun
ku soo bixin kartaa?
Carrabkiisase ma hoos baad xadhig ugu adkayn kartaa?
Ma sankiisaad xadhig ku xidhi kartaa?
Mase daankiisaad jillaab ku duleelin kartaa?
Isagu ma aad buu kuu baryi doonaa?
Mase hadal macaan buu kugula hadli doonaa?
Ma axdi buu kula dhigan doonaa,
Si aad addoon uga dhigatid weligiisba?
Ma waxaad isaga ula cayaari doontaa sidaad shimbir ula cayaartid oo kale?
Miyaadse gabdhahaaga u xidhi doontaa?
Kalluumaystayaashu miyey isaga iibin doonaan?
Mase baayacmushtariyaasha bay u qaybin doonaan?
Haraggiisa miyaad hotooyin ka buuxin kartaa?
Madaxiisase miyaad warmaha kalluunka lagu qabsado ka buuxin kartaa?
Gacantaada isaga kor saar,
Markaas dagaalka xusuuso, oo mar dambe saas yeeli maysid!
Bal eeg, in isaga la qabto rajo ma leh,
Xataa haddii isaga la arko, sow hoos loo dhici maayo?
10 Ma jiro mid ku dhaca inuu isaga kiciyo,
Haddaba waa ayo kan aniga i hor istaagi kara?
11 Bal yaa hore wax ii siiyey oo aan haatan u celiyaa?
Waxa samada ka hooseeya oo dhan anigaa leh.
12 Anigu ka aamusi maayo waxa ku saabsan addimmadiisa,
Ama itaalkiisa xoogga leh, ama jidhkiisa quruxda badan.
13 Haddaba bal yaa dharkiisa kore ka furan kara?
Oo bal yaa gowsihiisa soo geli kara?
14 Bal yaa albaabbada wejigiisa furi kara?
Ilkihiisa aad baa looga cabsadaa.
15 Qolfihiisa adag waa wuxuu ku kibro,
Oo waxay isugu wada xidhan yihiin sida wax shaabad lagu adkeeyo.
16 Midba midda kale way ku dhow dahay,
Oo innaba dabaylu dhexdooda kama dusi karto.
17 Middoodba midda kale way haysataa,
Oo way isku wada dheggan yihiin, oo innaba lama kala fujin karo.
18 Hindhisooyinkiisa waxaa ka soo widhwidha iftiin,
Oo indhihiisuna waa sidii kaaha waaberiga.
19 Afkiisa waxaa ka soo baxa wax ololaya,
Oo waxaa ka soo duula dhimbiilo dab ah.
20 Dulalka sankiisa qiiq baa ka soo baxa
Sida dheri karaya iyo cawsduur ololaya.
21 Neeftiisu dhuxulay shiddaa,
Oo olol baa afkiisa ka soo baxa.
22 Luquntiisu xoog bay leedahay,
Oo cabsina hortiisay ku booddaa.
23 Duudduubyada jidhkiisu way isku wada dheggan yihiin,
Wayna ku adag yihiin oo innaba lama dhaqaajin karo.
24 Qalbigiisu wuxuu u adag yahay sida dhagax oo kale,
Hubaal wuxuu u adag yahay sida dhagaxa shiidka ee hoose.
25 Markuu sara joogsado ayay kuwa xoogga badanu baqaan,
Oo naxdin daraaddeed ayay la waashaan.
26 In kastoo lagula kaco seef,
Iyo waran, iyo fallaadh, iyo hoto, kolleyba waxba kama tari karaan.
27 Isagu birta wuxuu ku tiriyaa sida caws engegan oo kale,
Naxaastana wuxuu ku tiriyaa sida qori bololay.
28 Fallaadhu isaga ma eryi karto,
Oo dhagaxyada wadhafkuna waxay isaga u noqdaan sidii xaab oo kale.
29 Budhadhkuna waxay isaga la yihiin sidii xaab oo kale,
Oo hotada ruxmashadeedana wuu ku qoslaa.
30 Boggiisa hoose waa sida dheryo burburradooda afaysan,
Oo wuxuu dhoobada ugu kor dhaqaaqaa sida gaadhi hadhuudh lagu tumo.
31 Isagu moolkuu u kariyaa sidii dheri oo kale,
Oo baddana wuxuu ka dhigaa sida weel cadar ku jiro oo kale.
32 Xaggiisa dambe wuxuu noqdaa jid wax ka iftiimo,
Oo moolkana waxaa loo maleeyaa sidii cirro oo kale.
33 Dhulka ma joogo mid sidiisa oo kale,
Oo cabsila'aan la abuuray.
34 Isagu wuxuu fiiriyaa waxyaalaha sare oo dhan,
Oo inta kibirsan oo dhan boqor buu u yahay.